الخميس، 16 يناير 2014

Microsoft waxey bilaabeysaa sameynta windows 9


Warkan waxaa laga soo xiganayaa website ka caanka ah ee looyaqaano Paul Thurrott website kan waxa uu xariir laleeyahay inta baday shirkadaha dhinaca technology yada ey ku jirto shirkada Microsoft 

Microsoft ayaa hore waxa ey u sheegtay in ey soo saari doonto barnaamij cusub oo uu computerka ku shaqeeyo (Applications) lakiin faah faahin intaa dheer kameysan bixinin soo baxday isbuucan gudahiisa ayaa waxey shirkada Microsoft ku sheegtay in nidaamka cucub magaciisa uu noqon doono Windows 9 

Nidaamkan cusub waxaa April 2014 lagu soo ban dhigi doonaa Midowga Hormarinta Microsoft ee loo yaqaano Microsoft Build Developer Conference waxa ey gaar u yihiin hormarinta Nidaamkan cusub kahor inta aan suuqyada caalamka lageynin bisha April ee sanadka soo cocda  2015 hadii uu ilaahey yiraaho


Bisha April ee soo socota waxa ey noqondoontaa bil kuweyn Shirkada Microsoft Midowga Hormarinta ee Microsoft saan wada ognahay waxa ey sheegeyn in ey soo wadaan Windows 9 
Sidoo kale waxaa lasheegay in April lasoo saari doono Nooc cusub oo ah Windows 8.1  iyo sidoo kale in windows Phone 8 loosoosaari doono nooc cusub loogu magac daray Windows Phone 8.1

Sidoo kale website ka aan warbixinka kasoo xigtay ee loo yaqaano Paul Thurrott Waxa uu sheegay in sawabta ugu wey ee shirkada Microsoft ku kaliftay in ey nidaamkeeda cusub ey u bixiso Windows 9 in uu ahaa fashilitaankii ey ku fashilantay windows 8 iyo noociikale ee kasii danbeeyay ee windows 8.1
Si ey u hesho kalsoonida isticmaalayaasha Ku waasoo ubadan isticmaalka Windows Xp iyo Windows 7 oo ah Nidaamyada haatan la isticmaalo nidaanyadii igu horeeyay uguna kalsoonida badan   


Waxaa soo diyaariyay Walaalkiin A,khaliq Ahmed (Young Somali)
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad

الخميس، 19 ديسمبر 2013

10ka wadan ee ugubadan dhicitaanka wesite yada iyo seerfarada (HACKERS) 2013


maanta waxaan arki doonaa 10 ka wadan ee ugu badanaa dhicitaanka website yada iyo seerfarada (Hackers) sanad kan sii dhamaanaya ee 2013 wadamadan waxey ukala horeeyaan sida tan 

Kaalikoobaat waxaan soo galay wadanka jeynaha  (China)
kaalinta labaad waxaa soogala mareykanka (United States of America)
kaalinta sadaxaad waxaa soo buuxiyay wadanka Turkiga (Turkey)
Halka Ruushka (Russia) uu soo gashay kaalinta afaraan 
Taywan (Tewan) waxey soogashay kaalinta Shanaad
Waxaa ku soo xigay Baraaziil (Brazil)oo soo gashay Kaalinta Lexaad
Sidookale Romaniya (Romania) waxey soo gashay Kaalinta Todobaad 
Kaalinta sideedaat waxaa soo galay wadanka Hidiya (India)
Kaalinta sagaalaad waxaa soo galay Talyaaniga (Italy)
waxaa ugu danbeeya wadanka looyaqaano Hangari (Hungary) oo soo ciriirsatay kaalinta Tobanaad ee ugu danbeysa

Waxaa Soo diyaariyay Walaakiin A.khaliq Ahmed (Young Somali)
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad

الأربعاء، 18 ديسمبر 2013

15ka website ee ugu booqashada badanaa 2013


Waxaan arki doonaa 15 ka website ee ugu booqashada badan Dunidha waxaana utirin doonaa sida ey ukala horeweyaan . hadii aad rabtpo in aad booqato website kamid ah website yada halkan kuxusan waxaad kilig garetsaa magaca website ka ama sawirkiisa


1 | Google
kaalinta koobaat ayaa waxaa soo galay shirkada dhinacyada badan ee Google bishii waxaa soo booqda dad Ku dhaw  1,000,000,000

Kaalinta labaad waxaa sidoo kale soo galay website ka ugu caansan ee video yada lagu shear gareeyo
waxaa la sheegay in eh bishii ey soo booqdaa dad gaaraya 900,000,000
3 | Facebook
kaalinta sadaxaad waxaa soo galay website ka caanka ah ee Facebook isaga waxaa lagu qiyaasay booqadayaasha bilwalbo soo booqda 800,000,000

4 | Yahoo!
kaalinta afaraad ayaa waxaa soo qaaray website ka tartanka kula jira  Facebook ee looyaqaano YAHOO! isaga waxaa bishii soo gaara in kabadan 750,000,000

5 | Amazon
kaalinta shanaad waxaa soogalay website ka looyaqaano amazon websites ka ayaa waxaa bishii soo booqda in kabadan 500,000,000

6 | Wikipedia
Kaalinta lexaad waxaa xajistay website ka loo yaqaano Wikipedia tirada booqada yaash bishii waxaa lagu qayaasay tiro gaareysa  400,000,000 oo booqada yaal ah

7 | MSN
Kaalinta todobaat waxaa soo ciriirsaday MSN oo lagu qiyaasay booqada yaash abishii soogaara website ka in ku dhaw 300,000,000 oo booqadayaalah

8 | Bing
 Website ka looyaqaano Bing isagana wuxuu soogalay Kaalinta sideedaat  waxaana tirada booqada yaasha lagu qiyaasay 290,000,000

9 | eBay
eBay waxa uu soo galay kaalinta sagaalaad tirada booqadayaasha waxey gaarayaan 275,000,000 oo baaqada yaal ah

10 | Twitter
website ka caanka ah ee loo sameeyay isku xirka bulshada ee Twitter waxa uu soogalay kaalinta tobanaad marki ey gaareen tirada booqadayaashiisa bishii 250,000,000
11 | WordPress
kaalinta kow iyo tobanaad waxaa soogalay website ka looyaqaano Word Press tirada dadka soobooqda website kan bishii waxaa lagu qiyaasay 225,000,000 oo booqadayaal ah
12 | LinkedIn
Sidoo kale Linkedln website ka loo yyagaano waxa uu soo galay kaalinta labo iyo tobanaad tirada booqadayaasha bishiina waxey qaarayaan  200,000,000

13 | Microsoft
Sirkada caanka ah ee Microsoft waxey soo kagtay kaalinta sadax iyo tobanaad 175,000,000 oo qof ayaa soo booqda bishii

14 | Ask
AsK waxa uu soogalay kaalinta afar iyo tobanaad markii ay gaarey tirada booqadayaasha ee bishii soo booqda 150,000,000

15 | Pinterest
kaalinta shan iyo tobanaad ee ugu danbeysa axaa soo buuxiyay Website ka looyaqaano Pinterest waxaana lagu qiyaasay tirada booqadayaasha bishii 140,500,000


waxaa diyaariyay walaalkiin A.khaliq Ahmed (Young Somali)
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad

Shirkada SONY Waxey soo saareysaa Flash USB oo ugaarah Mobilada

Shirkada SONY ayaa waxay sameysay flash usb oo loogu talagalay mobilada looyaqaano Smartphones iyo sidoo kale Taablet yada (Tablets) kuwaasoo ku shaqeeyo nidaamka loo yaqaano Android
Arinta loo sameeyay ayaa ah si loo fududeeyo ku keedinta iyo kawareejinta daatada iyo maccluumaatka flash tan cusub ayaa afkeeda hore waxa uu usameysan yahay qaabka loo yaqaano Micro usb

Sirkada SONY waxey noqota mid xalisa dhibaatooyinkii kii kataagnaa kaweejinda daatada iyo ku keedinteedaba flash tan cusub walaa looga reysan doo naa wadooyinkii kala duwanaa ee macluumaatka la iskugu diri jiray Sida Bluetooth . flash tan cusub kama duwana waxyaabaha kale ee wax lagu keediyo sida flash usb ga caadiga ah ee aa computer ka u isticmaalno marka laga eego dhinaca keedinta iyo kawareejinta macluumaatka 

Flash tan cusub ayaa waxaa suuqa lasoo gilin doonaa janawary (January) 2014 waxaana lakeeni doonaa isaga oo sadax nooc ah marka loo eego dhinaca masaaxada abadka waxey noqondoonaa sidan soo cocota 
|  8GB waxaana lagadi doonaa 19.99 $|
|16GB waxaana lagadi doonaa 29.99 $|
|32GB waxaana lagadi doonaa 62.99 $|

waxaad isticmaali kartaa Flash ta cusub adigoo kaashana Application cusub oo isagana goor dhaw lasoo dhigi doono Store ka wey ee loo yaqaano Google Play Store si loo fududeeyo Ku keedinta iyo ka wareejinta Datada iyo Macliimaatka

Waxaa soo diyaariyay walaakiin A.khaliq Ahmed (Young Somali)
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad

الخميس، 12 ديسمبر 2013

Barack Obama oo aan loo ogoleyn isticmaalka mobilada loo yaqaano Iphone

Waxaa layaabah in aad maqasho madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaan loo ogoley in uu yeesho Moobilka loo yaqaano Iphone moobilkaasoo ey soosaarto shirkada Apple

Barack Obama ayaa qirtay mar uu la joogay dhalin yaro katirsan Aqlka Cad - white House - in uusan xaq ulaheen in uu yeesho mibilka loo yaqaano Iphone isla markaana sheegay in uu isticmaalo moobilka looyaqaano BlackBerry noociyadiisii ugu horeeyay  tan iyo 2008 markii loodoortay madaxweyne nimada USA  sababta loogu diiday in yeesho Iphone ayaa ah sababo laxidhiidh dhinaca amniga 

Obama ayaa sheegay in labadiisa gabdhood Sasha iyo Malia in ey heystaan Mobilka laga mamnuucay Obama ee Iphone waqtigooda ugu badanta ey ku qaataam is ticmaalkiisa Obama ayaa sidoo kale sheegay kahor inta uusan xilka madaxweyne nimo korin in uu heystay Ipad

Sawabta ugu wey ee looga mamnuucay ayaa waxey tahay awooda looleeyay qofka isticmaalo mobilka Iphone in la ogaankaro goobta uu ku sugan yahy -( Qofka isticmaala Iphone waxaa sifudut lagu ogaan karaa Halka uu ku suganyahay lagana raad raaci karaa )- Halka qofka isticmaalo BlackBerry eysan suurta gal aheyn in laraad raaco ama laogaado halka uu ku suganyahay Sidaa darteyd ayaa Barack Obama looga mamnuucay in uu isticmaalo mobilada loo yaqaano Iphone


                 Ipad                              Iphone

 waxaa soo diyaariyay Walaalkiin A.khaliq Ahmed (Young Somali)

MAHADSANIT
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad

الأربعاء، 11 ديسمبر 2013

YouTube oo shaacisay 10 ka Video ee ugu daawashada badnaa 2013

Shabakada YouTube oo ey leedahay Shirkada caanka ah ee Google ayaa bilowday sanad kii  2009 in ey soo saarto warbixin sanad la ah warbixintaasoo lagu eegayo video yadii ugu daawashada badnaa sanadkii tagay 
YouTube ayaa sidii caada deeda  aheyd waxa ey sanadka soo saartay video yadii ugu daawashada badnaa sanadkan gaba-gabada ah ee 2013 
Sanad kan ayaa YouTube waxa ey fileysay in Kaalimaha koowaad ey soo gali doonaa Heesaha (Music) laakiin Kaalmah kore waxaa soogalay Video yada  Qosolka ah ( Comedy ) 
Sanadka ayaa waxaa lasoo saaray 10 ka video ee ugu daawashada badnaa iyo 20 ka channel ee ugu fiican YouTube ka Dhinaca Video yada
 kaalinta koowaad waxaa soo galay Video lagu soodaray YouTube ka Mudo sadax biloot kaho  taa soo noqotay arin yaableh
Sanadkan ayaa video ga kaalinka koowaad galay waxaa lagu magacaawaa

1-Ylvis - The Fox (What Does the Fox Say?)

Video gan ayaa tirada daawada yaasha Kor usii dhaaftay 277 Milyay oo daawadeyaal -(in kastoo uusan gaarin Video gii ugu Daawasha badnaa sanadkii tagay ee 2012 (Gangnam Style) Daawadayaasha Heesta uu qaaday fanaanka kasoo jeeda dalka kuuriyada koonfureed ee PSY ayaa gaartay in kabadan 1.84 Bilyan oo daawadayaal)- Video ga ugu daawashada badan 2013 ayaa waxaa YouTube ka lagu soo daray  Sep 3, 2013 mudada uu soconayo waa 3:45
waakan video ga kaalinta koowaad galy 

Saqaalka kale waxaan utirindoonaa sida ey isugu xigaan Hadii aad rabto in aan video ga daawati riix cinwaanka 

2-Harlem Shake (original army edition)

Video gan ayaa waxaa daawaday in kabadan 95.4 Milyay oo daawadeyaal ah Video gan ayaa waxaa YouTube ka lagu shaaciyay Fep 10, 2013 mudada uu soconayo Video gu waa 0:33

3-How Animals Eat Their Food

Tirada daawada yaasha ayaa kor waxey udhaafeen 88.8 Milyay oo daawadeyaal ah Video gan ayaa isagana sidoo kale waxaa lagu soo daray Apr 8, 2013 video ga muda uu soconayo waa 1:26

4-Miley Cyrus - Wrecking Ball (Chatroulette Version)

Waxaa video gan daawaday in kabadan 78.4 Milyay waxaa video gan ayaa lasoo post gareeyay Nov 26, 2013 waxa uu soconayaa  mudo qaareysa 2:44

5-Baby&me / the new evian film

video gan ayaa waxaa YouTube ka lasoo giliyay Apr 19, 2013 tirada daawadayaasha ayaa lagu qiyaasay in kabadan 67.2 Milyay mudo 1:16 ah ayuu soconayaa video gan

6-Volvo-TrucksThe Epic Split feat Van Damme

Daawadayaasha video gan waxa ey gaarayaan in ku dhaw 59.26 Milyan mudada uu soconayo waa 1:16 waxa video gan lasoo giliyay Shabakada YouTube ka Nov 13,2013

7-YOLO featuring Adam Levine and Kendrick Lamar

Kaalinta 7 ayaa waxaa galay video lagu soodaray horaantii sanadka daba yaaqada ah Jan 26,2013 tirada daawada yaasha ayaa kor udhaaftay 53.49 Milyan waxa uu sosonayaa in ku dhaw 3:13

8-Telekinetic Coffee Shop Surprise

Booska sideedaat waxaa xajistay video ga daawada yaashiisa ey dhaafeen 50.5 Milyan waxaa video gan laku soo daray YouTube ka Oct 7,2013 Waxa uu soconayaa video gan muda dhan 2:23

9-THE NFL : A Bad Lip Reading

Nambarka kuxiga ayaa waxaa sooo galay video lagu soo daray Jan 15,2013 waxaa daawaday video gan in kabadan 44.2 Milyan wuxuu video gan soconayaa mudo gaareysa 2:49

10-Mozart vs Skrillex Epic Rap Battles of History Season 2

booska 10 ee ugu danbeeya waxaa soo ciriirsaday video lagu magacaawo Mozart versus Skillrex: Epic Rap Battles of  HistorySeason 2 kaasoo YouTube ka lagu sii daayay Apr 8, 2013 mudadii uu YouTube ka ku jiray ayaa waxaa daawatay In kabadan 42.1 Milyay oo daawadayaan ah mudada uu video gan soconayo ayaa gaareysa 2:09

Halkaasi waxaa ku dhan 10 ka video ee ugu daawashada badnaa caalamka waxaan eegi doonaa 5 channel (YouTube Chanel) ee ugu fiican caalan 

1- PewDiePie

2- HolasoyGerman

3- Smosh

4- RihannaVEVIO

5- OneDirectionVEVO

Hadii aad aragto eray qalad ah fadlan nala soo socodsii Comment ga hoose ku soo qor ama 

Nalasoo Xidhiidh

Waxaa soo diyaariyay A.khaliq Ahmed (young Somali)
Siiwad aqrinta... Résuméabuiyad