الخميس، 17 أبريل 2014

Download Win RAR For Free


Hadii aad tahay qof jelel in uu marwalbo Internetka wax kasoo download gareysto barnaamijkan aad ayuu muhiim kuugu yahay waana laga maarmaan ah in uu ku jiro Computer kaaga Sawabtoo ah waxalaa laga yaabaa waxa aad soo download gareyso in uu yahay folder cadaadisan taasi macnaheydu waxa ey tahay hadii uusan Computer kaaga ku jirin barnaamijkan ama barnaamijyada kale ee lamidka ah sida 7zip, WinZIP, PearZIP Waxa aad soo download gareysay wax ey kuu tarayaan majiro computer kaagana awood uma laha in uu furo waxa aad soo download gareysan

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in fooldarada lagu cadaa diyo ama cadaadiska looga furo arinta ugu wey ee folder ka loo cadaadinayo waxa ey tahay in la yareeyo Size ka folderka 

Waxba yaan hadalka yaan idinku dheereynin waxaan toos ugaleynaa sharaxaada ayadoo qoraal iyo sawiro ah 

Marka ugu horeyso horeyso waxaad ogaattaa  System Type ka Computer kaaga Si aad u ogaato 
1- waxaad tagtaa Start Bottom
2- waxaad right click siisaa Computer 
3- waxaad kadoorataa Properties 

kadib waxaa kuu soo furmi doona warqad nooca oo kala ah 
waxadaad eegtaa waxa ku qoran halka midabka jaalaha aan mariyay mawaxaa ku qoran 32-bit sida sawirka kamiiqata oo kale misa waxaa ku qoran 64-bit


Waxaan filaa in aad ogaatay System type ka computer kaaga hadaba waxaad soo download gareysataa mid computer kaaga lamid ah 

Computer kaaga hadii uu yahay 32-bit 
halkan kasoo download gareyso

 Win RAR 32-bit

Hadii uu computer kaaga yahay sidoo kale 64-bit 
halkan kasoo download gareyso

 Win RAR 64-bit

Marka aad soo download gareysato nooca computer kaaga tusaale computer keyga waxa uu ahaa 32-bit sidaa dartee saad arkeyso waxaan soo download gareystay nooc 32-bit ka ah

Barnaamijka marka aad soo download gareyso laba jeer kilig garee kadib waxaad taabataa Install 
  

Waxaa  bilaab maya barnaamijka computer kaaga in lagu Install gareeyo 


Marka uu dhameeyo waxaa kuu soo bixi doona warqadan oo kale waxaad calaamada saxda ah saartaa ISO iyo JAR si uu barnaamijka awood ugu yeesho foldarada noocaas oo kala ah in uu cadaadiska kafuro kadib waxaad taabataa OK


Wuu dhamaaday Install gareyta barnaamijka waxaad taabataa Done


waxaa laga yaabaa warqadan oo kale in ey kuu soo furanto iska Close garee 


 Qaabka folder ka loo cadaadiyo iyo qaabka cadaadiska looga furo

1- right click garee folderka aad rabto in aad cadaadiso
2- kadib waxaad doorataa Add to "folderka magaciisa.rar"
waxa uu bilaabayaa in uu cadaadiyo folder ka


Sidoo kale hadii aad rabto in aad folder cadaadiska kafurto
right click garee folder ka cadaadisan 
kadib waxaad doorataa Extract To folder kacadaadisan magaciisa\
kadib waxa uu bilaabayaa in uu folder ka cadaadiska kafuro folder caadi ah oo aad furikarto

sida uu isku badalayo Size ka folder ka marka lacadaadiyo

Tusaale sida aan sawirkan ku aragno waa hal folder oo marna la cadaadiyay marna asagoo foldar caadi ah 
Saan aragno folder ka cadaadisan Size kiisu waa 423KB
marka cadaadiska laga furayna waxa uu noqday 1.32MB oo 1MB waxa uu u dhigmaa 1024KB 
taasi macnaheydu waa folderka inta aan lacadaadini kahor waxa uu ahaa 1.32MB oo udhiganta 1351.68KB marka lacadaadiyay na waxa uu noqday 423KB sida aan arkeyno waxaa udhaxeeya in kabadan 928KB




 Waxaa Soo diyaariyay A.khaliq Ahmed (Young Somali)


U shear garee saaxiibadaa si aad ugu sheergareyso waxaad taabataa calaamada Facebook ga ama calaamada Twitter ka

Comments
0 Comments

0 comments:

إرسال تعليق