الخميس، 12 ديسمبر 2013

Barack Obama oo aan loo ogoleyn isticmaalka mobilada loo yaqaano Iphone

Waxaa layaabah in aad maqasho madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaan loo ogoley in uu yeesho Moobilka loo yaqaano Iphone moobilkaasoo ey soosaarto shirkada Apple

Barack Obama ayaa qirtay mar uu la joogay dhalin yaro katirsan Aqlka Cad - white House - in uusan xaq ulaheen in uu yeesho mibilka loo yaqaano Iphone isla markaana sheegay in uu isticmaalo moobilka looyaqaano BlackBerry noociyadiisii ugu horeeyay  tan iyo 2008 markii loodoortay madaxweyne nimada USA  sababta loogu diiday in yeesho Iphone ayaa ah sababo laxidhiidh dhinaca amniga 

Obama ayaa sheegay in labadiisa gabdhood Sasha iyo Malia in ey heystaan Mobilka laga mamnuucay Obama ee Iphone waqtigooda ugu badanta ey ku qaataam is ticmaalkiisa Obama ayaa sidoo kale sheegay kahor inta uusan xilka madaxweyne nimo korin in uu heystay Ipad

Sawabta ugu wey ee looga mamnuucay ayaa waxey tahay awooda looleeyay qofka isticmaalo mobilka Iphone in la ogaankaro goobta uu ku sugan yahy -( Qofka isticmaala Iphone waxaa sifudut lagu ogaan karaa Halka uu ku suganyahay lagana raad raaci karaa )- Halka qofka isticmaalo BlackBerry eysan suurta gal aheyn in laraad raaco ama laogaado halka uu ku suganyahay Sidaa darteyd ayaa Barack Obama looga mamnuucay in uu isticmaalo mobilada loo yaqaano Iphone


                 Ipad                              Iphone

 waxaa soo diyaariyay Walaalkiin A.khaliq Ahmed (Young Somali)

MAHADSANIT

Comments
0 Comments

0 comments:

إرسال تعليق