الأربعاء، 11 ديسمبر 2013

YouTube oo shaacisay 10 ka Video ee ugu daawashada badnaa 2013

Shabakada YouTube oo ey leedahay Shirkada caanka ah ee Google ayaa bilowday sanad kii  2009 in ey soo saarto warbixin sanad la ah warbixintaasoo lagu eegayo video yadii ugu daawashada badnaa sanadkii tagay 
YouTube ayaa sidii caada deeda  aheyd waxa ey sanadka soo saartay video yadii ugu daawashada badnaa sanadkan gaba-gabada ah ee 2013 
Sanad kan ayaa YouTube waxa ey fileysay in Kaalimaha koowaad ey soo gali doonaa Heesaha (Music) laakiin Kaalmah kore waxaa soogalay Video yada  Qosolka ah ( Comedy ) 
Sanadka ayaa waxaa lasoo saaray 10 ka video ee ugu daawashada badnaa iyo 20 ka channel ee ugu fiican YouTube ka Dhinaca Video yada
 kaalinta koowaad waxaa soo galay Video lagu soodaray YouTube ka Mudo sadax biloot kaho  taa soo noqotay arin yaableh
Sanadkan ayaa video ga kaalinka koowaad galay waxaa lagu magacaawaa

1-Ylvis - The Fox (What Does the Fox Say?)

Video gan ayaa tirada daawada yaasha Kor usii dhaaftay 277 Milyay oo daawadeyaal -(in kastoo uusan gaarin Video gii ugu Daawasha badnaa sanadkii tagay ee 2012 (Gangnam Style) Daawadayaasha Heesta uu qaaday fanaanka kasoo jeeda dalka kuuriyada koonfureed ee PSY ayaa gaartay in kabadan 1.84 Bilyan oo daawadayaal)- Video ga ugu daawashada badan 2013 ayaa waxaa YouTube ka lagu soo daray  Sep 3, 2013 mudada uu soconayo waa 3:45
waakan video ga kaalinta koowaad galy 

Saqaalka kale waxaan utirindoonaa sida ey isugu xigaan Hadii aad rabto in aan video ga daawati riix cinwaanka 

2-Harlem Shake (original army edition)

Video gan ayaa waxaa daawaday in kabadan 95.4 Milyay oo daawadeyaal ah Video gan ayaa waxaa YouTube ka lagu shaaciyay Fep 10, 2013 mudada uu soconayo Video gu waa 0:33

3-How Animals Eat Their Food

Tirada daawada yaasha ayaa kor waxey udhaafeen 88.8 Milyay oo daawadeyaal ah Video gan ayaa isagana sidoo kale waxaa lagu soo daray Apr 8, 2013 video ga muda uu soconayo waa 1:26

4-Miley Cyrus - Wrecking Ball (Chatroulette Version)

Waxaa video gan daawaday in kabadan 78.4 Milyay waxaa video gan ayaa lasoo post gareeyay Nov 26, 2013 waxa uu soconayaa  mudo qaareysa 2:44

5-Baby&me / the new evian film

video gan ayaa waxaa YouTube ka lasoo giliyay Apr 19, 2013 tirada daawadayaasha ayaa lagu qiyaasay in kabadan 67.2 Milyay mudo 1:16 ah ayuu soconayaa video gan

6-Volvo-TrucksThe Epic Split feat Van Damme

Daawadayaasha video gan waxa ey gaarayaan in ku dhaw 59.26 Milyan mudada uu soconayo waa 1:16 waxa video gan lasoo giliyay Shabakada YouTube ka Nov 13,2013

7-YOLO featuring Adam Levine and Kendrick Lamar

Kaalinta 7 ayaa waxaa galay video lagu soodaray horaantii sanadka daba yaaqada ah Jan 26,2013 tirada daawada yaasha ayaa kor udhaaftay 53.49 Milyan waxa uu sosonayaa in ku dhaw 3:13

8-Telekinetic Coffee Shop Surprise

Booska sideedaat waxaa xajistay video ga daawada yaashiisa ey dhaafeen 50.5 Milyan waxaa video gan laku soo daray YouTube ka Oct 7,2013 Waxa uu soconayaa video gan muda dhan 2:23

9-THE NFL : A Bad Lip Reading

Nambarka kuxiga ayaa waxaa sooo galay video lagu soo daray Jan 15,2013 waxaa daawaday video gan in kabadan 44.2 Milyan wuxuu video gan soconayaa mudo gaareysa 2:49

10-Mozart vs Skrillex Epic Rap Battles of History Season 2

booska 10 ee ugu danbeeya waxaa soo ciriirsaday video lagu magacaawo Mozart versus Skillrex: Epic Rap Battles of  HistorySeason 2 kaasoo YouTube ka lagu sii daayay Apr 8, 2013 mudadii uu YouTube ka ku jiray ayaa waxaa daawatay In kabadan 42.1 Milyay oo daawadayaan ah mudada uu video gan soconayo ayaa gaareysa 2:09

Halkaasi waxaa ku dhan 10 ka video ee ugu daawashada badnaa caalamka waxaan eegi doonaa 5 channel (YouTube Chanel) ee ugu fiican caalan 

1- PewDiePie

2- HolasoyGerman

3- Smosh

4- RihannaVEVIO

5- OneDirectionVEVO

Hadii aad aragto eray qalad ah fadlan nala soo socodsii Comment ga hoose ku soo qor ama 

Nalasoo Xidhiidh

Waxaa soo diyaariyay A.khaliq Ahmed (young Somali)

Comments
0 Comments

0 comments:

إرسال تعليق